Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Magaalada Jowhar

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminaayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay gaareen Magaalada Jowhar, ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo uu kaga qayb galayo Dhaarinta Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka, Waxgarad iyo xubno kale.

Munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Hirshabeelle ayaa qaban qaabadeeda waxa ay ka socotaa Magaalada Jowhar, waxaana dhaarintan la sheegay in ay socon doonto ilaa maalinta Berri.

Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa dhismihiisa in la soo gaba gabeeyo Bishan October dhexdeeda, maadaama Howlihii ugu badnaa ee dhismaha Maamulkan laga soo gudbay.