WARBIXIN XIISO BADAN:- dagaalka Gaalkacyo Muxuu salka ku hayaa?..

0

Maxay tahay waxyaabaha shacabka wada degan magaalada Gaalkacayo ka hor taagan horumarka inay Nabad ku wada noolaadaan.

Gaalkcayo waa caasimada Gobolka Mudug waana magaalo si wayn u dhisantay waa magaalo astaan u ah dagaalkii sokeeyo waxii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya waxaa u soo guuray dad ka sooqaxay magaalooyinka ugu waa weyn koonfurta Soomaaliya sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Baladweyne dadkaa oo ah dad uu saameeyey Dagaalka sokeeye ,

Magaalada Gaalkacayo waxay u qaybsan tahay labo qaybood oo kala ah Xaafad ay dagaan beelaha Darood iyo Xaafad ay dagaan beelaha hawiye waxaa jira beela kalo oo Soomaaliyeed oo igana la nool.

Dad baden ayaa aaminsan in dagaalka markasta ka dhaca magaalada gaalkacayo inay sabab u tahay dhibaatada Qabiilka ama qabyaaladdu keento waxaa Waqti badan ku lumay in xal loo helo in dadkaa wada degan magaalada gaalkacayo xal siyaasadeed oo nabad ku dhisan loo helo.

Dagaallada dadka Somaalida,waxaa uga dhintay kumannan ruux, oo qiimo iyo qaaya wayn ugu fadhiyay, Bushada soomaaliyeed.

Dhanka kale Umadda Somaalida,waxa ay hiddo iyo dhaqan u leedahay Qabyaalad gaamurtay oo lafaha iyo dhuuxa ka gashay,

Waana yar yahay ruux ka caafimaad qabo, Wadaad iyo Waranlaba, waxaan dhihi karaa dadka Somaalida Qabyaaladdu waxa ay u noqotay caqiido oo kale, ruuxa Soomaaliga ah meel uu joogaba waxaa wax kasta uga qiima badan, danaha reer Tolkiis, taas ayuuna wax kasta ka hormarinayaa. waqtiga la joogo dawlada aan dhisanayno waa in aan u marnaa qaabka qabiilka ee 4.5 ku dhisan arinkan oo ah wax caqliga ka fog in hab dawladeed qabiil lagu xaliyo.

Cidina ma saadaalin karayso sida ay noqonayso iyo wadad loo maraya Mustaqbalka in nabad loogu wada noolaado magaalada gaalkacayo .

Waxaa wax la yaabo ah in maalin kasta qof shacab ah oo nolol ka samaystay magaalada gaalkacayo in gurigiisa si gardaro ah looga dumiyo oo la qaxiyo

Waxaa ayaan darro in markasta si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan, iyagoo wax shaqo ah kulahayn siyaasada lays ku hayo ee laga ranen meesha ay u socoto.

Waad og tihiin Gaalkacayo maaha sida magaalada GAZA uu dhulku ku yar yahay gaalkacayo dadka wada degaan waxay hays taan dhulweyn oo cidla ah oo wax dega loo la yahay. waxaan wali fahmin dhulka iska soo hor jeeda waxa la isugu qabanayo iyadoo dhul banaan la haysto aqliga magashaa colaadan waxaa ka danbeeya Dawlada Itoobiya ! ama dawlada shisheeye.

Waxaa dalka Soomaaliya ka dhumay heerkii sare ee waxgaradnimada madaxa ugu sareeya Soomaliya,inay ka hor tagaan wax walba oo khilaaf keeni kara waxaa shacabka la soo la daristey waxqabad la’aan iyo in shacabka rayidka ah ay dowladdda kala kulmaan dhaqan qabyaalad ku dhisan oo iska hor keenaya shacabka soomaaliyeed arinka oo nasiib daro ah.

Waxaa hubaal ah in heshiiskii 1993 ay magaalada Gaalkacyo wax ku noqotey isla markaana uga soo baxdey burburkii dagaalka, ayna ahayd magaalada keliya ee dadkeedu ku heshiiyeen in ay nabad kuwada degaan cidna aan lagu xadgudbin, Heshiiska ayaa wuxuu sahlay in magaaladu si xawli ah u dhisanto waxaa wax la yaabo ah in markii wadanka ay ka higashey dawlad caalamku aqoon san yahay in gaalkacayo iyo magaalooyin badan dib uga curteen colaadihii ku dhisnaa qabyaalada magaalooyiunkan oo kala ah sida MARKA baladweyne JAWHAR IYO Galkacayo.

Aniga iima muuqato wax weyn oo dhex yaala labada maamul oo kawada taliya magaalada Gaalkacayo maamulka puntland waxaa hor yaal shaqo weyn oo ah in uu horumar ka hirgaliyo dhulka uu maamulkaa ka taliyo iyo siduu uga qayb qaadan lahaa in la helo soomaali oo ku heshiisa habsiyaasadeed oo qanciya shacabka soomaaloieed oo dhan.

Taa mid lamid ah ay iyana sugaysa maamulka galmudug oo ah in dhulka ay maamulaan ka hirgaliyaan horumar iyo dhiiri galiyaan in soomaaliya ka hirgasho in la helo siyaasad shacabka Soomaaliyeed kuwada noolaan karaan.

Maalinkasta markaad maqasho waxaa lagu dagaalamay magaalo ku taal wadanka Soomaaliya waxaad soo xasuusaneysaa dagaaladii sokeeye oo dal iyo dad-ba ay ku baa`baeen. Ilaa iyo hadana wax is cafin iyo is raali gelin fiican aysan weli dhicin.

Suurta gal say ku tahay in aan wali aan laga heshiin wixii dhacay 26 sano ee dagaalka sokeeye oo uu ugu dan beeyo kan hada gaalkacay ka socda.

Maxamed Caalim
caalim68@hotmail.com