WAR DEG DEG AH:- Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle oo la dhaariyay

0

Waxaa goor dhow Magaalada Jowhar lagu dhaariyay ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dhaariyay Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Hirshabeelle.

Munaasabada Dhaarinta xildhibaanada waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Mas’uuliyiin ka socotay IGAD Waxgarad iyo xubno kale.

Dhaarinta xildhibaanada kadib ayaa waxaa goobta hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana uu xildhibaanada cusub uu kula dar daarmay in ay shaqadooda si wanaagsan u gutaan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa dhismihiisa in la soo gaba gabeeyo Bishan October dhexdeeda, maadaama Howlihii ugu badnaa ee dhismaha Maamulkan laga soo gudbay.