Shir Xal loogu raadinayo Colaada oo ka socda magaalada Gaalkacyo..

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu shir kaga socdo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirkaan ayaa diraada lagu saarayaa sidii xal looga gaari lahaa Xiisada colaadeed ee k taagan magaalada Gaalkacyo,waxaana la filayaa in Odayaasha heshiis hordhac ah kulankooda ka soo saaraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in si loo xaqiijiyo nabad galyada Gaalkacyo la isla qaadanayo xabad joojin Labada dhinac.

Barakac xoogan ayaa Labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Gaalkacyo oo dadka deegaanka ay sameynayeen.