Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Ugu yaraan 4 Ruux ayaa ku dhaawacmay Shil gaari oo ka dhacay nawaxiga Isgooyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa waxuu yimid kadib markii mooto Bajaaj iyo Gaari nuuca loo yaqaano Hoomey-da ay isku dhaceen, sida goobjooge uu u sheegay Idaacadda Shabelle.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Hodan iyo ilaaladiisa oo gaaray goobta uu shilka ka dhacay ayaa la sheegayaa in ay gacanta ku dhigeen labada darawal ee ka xeynayay Mootada iyo Gaariga Hoomeyda.

Labadan dareewal ee la qabtay ayaa su’aalo sida la tilmaamay waxaa lagu weydiinayaa saldhig boolis oo ku yaalla Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dhaawaca 4-ta Ruux ayaa lagu soo waramayaa in loo qaaday Isbitaalada Muqdisho ku yaalla, si halkaasi xaaladooda loogu dabiibo.

Inta badan Shilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa loo aaneeyaa dareewalada, kuwaasi oo lagu tilmaamo in aysan wax khibrad ah u la heyn kaxeynta gawaarida.