Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo la kulmay Madaxweynaha Puntland

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa Garowe kula kulmay musharaxa madxweynah doorashada 2016-ka,Jibriil ibraahim Cabdulle,iyagoo ka wada hadlay arimo dhow muhiim ah oo quseeya xaalada Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda.

Ugu horeyn musharrax Jibriil ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Puntland sidii wacneyd ee loo soo dhoweeyay, isagoo ammaanay nabada ka jirta magaalada Garowe.

Wuxuu sheegay Mr Jibriil in hada Soomaliya ay mareyso marxalad kal guur iyo siyaasad an deganeyn loo baahan yahay in hufan looga fiirsado arimah doorashooyinka iyo nidaamka loo hagayo.

Musharaxa madaxweynaha Soomaliya Jibriil ayaa ayaa soo dhoweeyay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Garowe, oo ay ku sugan yihiin dad doonaya ka mid noqoshada Baarlamaanka labada aqal.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in siyaasiyiin dhowr ah oo Muqdisho ku arkay, iyagoo ilaalo watay, haatan Garowe ay dhex lugeynayaan, iyagoo aan wax ilaalo ah wadan, waxaana ciidamada ammaanka iyo shacabka ku ammaanay dadaalka ay geliyeen nabada magaalada Garowe iyo deegaanada Puntland.

Dhanka kale,madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay booqashada musharax jibriil uu ku yimid Puntland gaar ahaan Garowe,isagoo sheegay in imaanshihiis ka tarjumeyso dimoqraadiyada, in Musharraxiinta ay bilaabaan safaro ay ku marayaan meelaha doorashada ka dhaceyso.

Ugu dambeyn Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa magaalada Garowe ka wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Garowe, gaar ahaan aqoonyahanada, siyaasiyiinta, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo haweenka.

jabra-gaas