FAALLO:- Maxay Madaxda Madasha Wada tashiga Qaranka uga meermeerayaan Gocashadda Walaalaha Somaliland ?..

0

Inta badan Dowlad-gobaleedyadda ayaa sheegay inay Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federal u soo gudbiyeen Liiska xubnaha uga mid noqonayo Xildhibaanadda Aqalka Sare ama Aqalka Senedka ee Barlamaanka Federalka Somalia.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid horseedi karta in loo gogol-xaaro Doorashooyinka lagu wado in lagu soo doorto xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federalka Somalia.

Guddiga Federalka ee Doorashooyinka Dadban ayaa horey uga cawday Dib-u-dhac dhowr jeer ku yimid inay Dowlad-gobaleedyadda sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbiyaan Liiska xubnaha uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.

Siyaasiyiinta ayaa rumeysan inuusan dhamaystir noqon Karin Dhismaha Aqalka Sare, tan iyo inta laga xalinayo Gocashadda raagtay ee ay muujinayaan Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta Somaliland, kuwaasi oo qaadacsan Doorashadda soo socota.

Waa hubaal in ay Reer Somaliland u baahan yihiin in la tixgeliyo cabashadda ay ka muujiyeen Tirada Kuraasta ay ku leeyihiin 51-ka xubnood ee Aqalka Sare ee Barlamaanka.

Dhowr Isku-day oo ay Madasha Wada-tashiga Qaranka ku doonayeen inay ku qanciyaan Reer Somaliland ayaa lagu hungoobay, iyadoo qaar ka mid ah Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ka biyo diidsan yihiin in Kuraas dheeri ah la siiyo Walaalaha Somaliland.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Qaddiyadda Somaliland muhiim u tahay Midnimadda Somalia iyo in la dhayo Tacadiyadii loo geystay dadka ku nool Deegaanadda W/Galbeed ee Somalia.

Siyaasad-dhaqameedka ay horey ugu midoobeen Labada Gobal ee Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia bishii July 1-dii ee sannadkii 1960-kii ayaana Asaas Qaran u ah si loo xoojiyo Midnimadda Qaranka Somalia, iyadoo Xilligan la qaatay Nidaam Federal oo Ismaamul-gobaleed baahsan.

Nidaamkaasi ayaa horseedi kara in dib loo hanto Kalsnooida Walaalaha Somaliland, mana aha iminka in dhegaha laga fureysto Qeylo-dhaanta ay ku codsanayaan Xuquuqda Lama-taabanta ee ay mudan yihiin.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federalka, Avv. Cumar Maxamed Cabdulle ayaa walaac xooggan ka muujiyey gocashadda Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta Reer Somaliland, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Federalka in la tixgeliyo Cabashadaasi, lagana qanciyo, si aysan caqabad ugu noqonin Nidaamka Doorashadda soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta ka soo jeeda Somaliland qaadacaan Doorashooyinka waxay taasi dhabar jab cusub ku noqon kartaa Dadaalka Midnimo-doonka iyo Dib-u-yegleelida Dowlad Qaran oo ay dadka Soomaalida ku wada mideysan yihiin.

Waana hawl u taalla Madaxda Madasha Wada-Tashiga Qaranka inay ka dhabeeyaan Istaraatijiyadda Qaranka, si aysan sabab ugu noqonin inuu Qaranka u kala dhantaalmo sidii Imaaraadyo is-dhinac yaalla.

W/Q:- Xasan Istiila Radio Dalsan Muqdisho-Soomaaliya