DHAGEYSO:- Shirka Maamul u sameynta HirShabeele oo meel Wanaagsan maraya iyo Xildhibaanada Cusub..

0

Waxaa meel Wanaagsan maraya Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana shalay la Xareeyay Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Cusub ee Hir Shabeelle uu yeelanayo.

Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Urur goboleedka IGAD ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu dhameystirayo dhismaha Maamulka Cusub ee Hirshabeelle.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa Xildhibaanada Cusub ugu baaqay in ay si Cadaalad ah ugu shaqeeyaan shacabka labada Maamul.

Hoos ka Dhageyso Codka:-