DHAGEYSO:- Shariif Xasan oo fariin u diray ciidanka dowladda, kuna baaqay hal Arrin

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay ciidanka maamulka Koonfur Galbeed in ay ilaaliyaan sharafta iyo nidaamka shacabka kunool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howgallo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab , kuwaa soo ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidanka looga baahan yahay in aysan dhibaateyn dadka shacab ah xilliyada ay wadaan howgallada ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-