DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo ka cabanaya dhac nuuc cusub oo lagula kaco..

0

Kooxo ku lebisan dareeska ciidanka Dowladda ayaa la soo baxay dhac nuuc cusub oo dadka xiliyada habeenka ay kula kacaan.

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya dhaca guryaha la isugu galo oo Kooxo ku lebisan dareeska Ciidanka Dowladda ay geysanayaan.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegaya in qaarkood ay u dhacayaan guryaha halka kuwo kalena ay dadka wadooyinka Marayaa ay ka qaadanayaan waxyaabaha ay wataan sida Mobilada iyo lacagaha.

Qaar ka mid ah dadka kunool xaafadaasi oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay inay ku wargaliyeen maamulka Degmada , lakiin aysan wali wax ka qaban.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA..