DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in aysan aqbali doonin in labo Maamul ay ka wada taliyaan Magaalada Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dagaalkii Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

C/kariin Guuleed oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, ayaa wuxuu sheegay masuuliyada dagaalkaasi iyo Khasaaraha ka dhashay inay Dusha saaranayaan Maamulka Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Guuleed in magaalada Gaalkacyo aysan ka talin doonin labo maamul iyadoo la wada og yahay inay iminka u qeybsan tahay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ka kala taliya Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi.

C/kariin Guuleed oo sii waramaya ayaa dhinaca kale sheegay in Safiirka Dowladda Mareykanka ee Muqdisho ku sugan ay kala hadleen Duqeyntii ciidanka Galmudug lagu laayay ee ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-