Dab ka kacay Degmada Wadajir iyo Khasaaro ka dhashay

0

Dabkan oo ahaa mid xoogan, kana dhashay khasaaro hantiyadeed ayaa waxa uu ka kacay Xaafada Siliga ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 4 Guri oo ku yaalla Xaafada Siliga ayaa lagu soo waramayaa in ay ku basbeeleyn dabkaasi.

Cabdi Dheere oo ah milkiilaha mid ka mid ah Guryaha gubtay ayaa waxuu sheegay in dabka uu ka dhashay korontada Shirka BECCO.

Waxa uu tilmaamay in Shaqaalaha Shirkada korontada ee BECCO ay cidlad bixin ku wadeen baallo dabka u qeybiya Xaafada Siliga ee Degmada Wadajir.

Shaqaalaha dab damiska oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay baqtiijinta dabkaasi khasaaraha hantiyadeed geystay, sida uu sheegay Cabdi Dheere.

Maamulka Shirkada korontada ee BECCO weli kama aysan hadlin farsamo xumida dhanka korontada ay sameeyeen shaqaalahooda, taasi oo keentay dab burburiyay ilaa iyo 4 guro oo ku yaallay Degmada Wadajir.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Wadajir oo ku aadan khasaaraha hantiyadeed ee gaaray Shacabka ku dhaqan Xaafada Siliga ee Degmada Wadajir.