DAAWO SAWIRADA:- Xaflada Dhaarinta Xildhibaanada Maamulka Cusub ee Hirshabelle

0

Xaflad lagu dhaarinayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa caawa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federalka Cabdraxmaan Xuseen Odowaa,wakiil ka socday urur goboleedka IGAD,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha.

Xildhibaano gaaraya 73 oo saddex kamid ah ay ahaayeen dumar ayaa la dhaariyay waxana xildhibaanada maamulka Hirshabelle ay gaarayaan 89 xubnood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdraxmaan Odowaa ayaa sheegay in xildhibaanada ay la wareegayaan maamulida shirka iyadoo lagu wado in xildhibaanada ay doortaan guddoomiye 12ka bishan kadibna loo gudbo doorashada Madaxweynaha maamul goboleedka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

dhaarinta-xildhibanka-4-1 dhaarinta-xildhibanka-1-1 dhaarinta-xildhibanka-7-2 dhaarinta-xildhibanka-3-1 dhaarinta-xildhibanka-2-1 dhaarinta-xildhibanka-5-1