Ciidamo Maanta Tababar loogu soo xiraayo Cadaado

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maanta lagu wadaa in uu magaalada Cadaado ugu soo xiro tababar ciidamo cusub oo ka mid noqon doona ciidanka Boliiska dowlad goboleedka Galmudug.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa idaacadda Risaala u sheegay in ciidanka uu tababarka u soo xiraayo taliyaha Booliska  ay garaayaan ku dhawaad 400 askari oo ka shaqeyn doona degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidanka ayaa muddo dhowr bilood ah tababaro kala duwan ku qaadanaayay  xerada ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku taalla magaalada Cadaado.

Taliyaha ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono saraakiisha ciidanka ammaanka Galmudug , waxaana uu kala hadli doona xaqiijinta amniga deegaanada maamulka Galmudug inta ay socdaan doorashooyinka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gaaray horumar kala duwan oo la taaban karo bilihii lasoo dhaafay.