Beel ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed oo go’aan adag ka qaadatay Xubnaha laga siiyay Aqalka Sare

0

Kulan Balaaran oo ay isgu yimaadeen Waxgarad, Salaadiin, Nabadoono, Culima’udiin, Siyaasiyiin , Haween iyo Dhalinyaro iyo Marti Sharaf oo ka tirsan Beesha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal ayaa looga hadley xubinta aqalka sare ay beesha ku leedahey xubnaha ka imaanayo gobalka Shabeelada Dhexe,   kulankaasi oo  ka dhacay Magaaladda Muqdisho

Ugu horeyn Kulanka ayaa waxaa ka Hadley  qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Waxgaradka Beesha Galmaax  Yoonis ayaa waxay sheegeen in Beeshu oo degaan balaaran ku leh gobalka ay xaq u leedahay in ay Hesho Xubinimada  Aqalka Sare ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay intaa sii raaciyeen

“Markaan Xisaabtaney isla markaasna fiiriney nidaamka wax qaybsiga qabiilada  beesha waxey xaq iyo xalba u leedahey Xubinta Sare  ee Aqalka Sare waxaana u soo jeedineynaa Madaxda Sare ee Dowladda, Guddiga Doorashooyinka Dadban  Ummadda Soomaaliyeed  iyo Beesha Caalamka in Beesha Galmaax  ee Mudulood  ay Xubintaasi ay leedahay Cidna aysan uga Tanaasuleyn”

Xubnhii kale ee Kulnkaasi ka Hadley ayaa waxay sheegeen in Muddo dheer ay Beesha Kulamo yeelaneysey isla markaan ay ka Falanqeyneysey Sidii ay u heli lahayd Xubintaasi oo ay sheegeen in ay Beesha Xaq u leedahay  sidoo kale Waxay hoosta ka Xariiqeen In Beesha ay Diyaarisey Xubinta u Mateli lahayd Aqalka Sare  ee Baarlmaanka  2016.

Malaaq Cali Malaaq Showri oo Kulankaasi ka Hadley ayaa yiri “Madaxda Qaranka , Kuwa Federaalka , kuwa Gobolka iyo kuwa loo Xil saarey Maamulka  Doorashada Dadban  waxaan ugu baaqaynaa in  Miiska la soo saaro  Xubinta  Aqalka Sare ee ay Beesha Xaqa u leedahay maadaama wax lagu qaybsanayo hab Beeleed

Ugu dambeyn Kulankaasi ayaa waxaa laga soo saarey Go;aano ku aadan Helitaanka Xubinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ay Caddeysey in Beesha Galmaax Yoonis   ay Xaq u leedahay xubintaasi,  waxayna isku raaceen in Beesha soo Gudbiso sida ugu dhaqsiyaha Badan  Qofkii u mateli lahaa Xubintii Aqalka Sare u Mateli lahayd   waxayna ugu baaqeen Guddiga farsamo ee Doorashooyinka Dadban ee 2016  in Baaqooda ay Tixgeliyaan