XOG:- Maamulka Ahlusunna Gobolada Dhexe Iyo MaamulkaPuntland Oo Ka Mideysan Fikirka Ah In Galmudug Ay Teegeerto Al Shabaab.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena sida aadka ah ugu dhaw dhaw Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ahlusunada ee ku sugan Gobollada Dhexe ay Macquul tahay inay ku biiraan Dagaalka Gaalkacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Isku dhawaansho dhinaca mabda’a ah uu ka dhex jiro Ahlusuna iyo Puntland maadaama maamulka Ahlusuna uu si xoogan uga soo horjeedaan maamulka Galmudug.

Ciidamada Maamulka Ahlusuna ayaa waxaa dhawaan suura gal ah in la geeyo Jiida Hore Ee Dagaalka Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo si ay dagaal ulla galaan Galmudug.

Dhinaca kale Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegayaan in Ahlusuna iyo Puntland ay ka mideysan yihiin fikirka ah in Galmudug ay ay taageerto Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Ahlusunada Gobollada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir uu Dawlada Soomaaliya ku eedeeyey iyo Ganacsatada Muqdisho kuwo ay shaqaaleysiiyaan Al Shabaab dadkana dilkooda inuu fududaado ay Hub sharciyeysan Ururka Al Shabaab ku dhex wataan Xamar.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media