XOG:- Dawladda Itoobiya Oo Ka Dambeysa Dib U Dhaca Doorashada Soomaaliya Iyo Dukumenti La Helay Oo Loo Gudbiyay Qaramada Midoobay.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada Itoobiya ay ku dadaaleyso fashil ku imaada doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan Somalia.

Wararkan ayaa itaasi waxa ay ku darayaan in QM loo gudbiyay nuqul qoraal ah oo laga helay dhismaha ay dowlada Ethiopia ku leedahay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu diyaariyay sida ugu sahlan ee dib loogu dhigi lahaa gabi ahaan doorashada dalka ee markii labaad uu fashilka ku imaaday.

Warqadaha loo gudbiyay QM ayaa la sheegay inuu ku saxiixnaa Danjiraha dalka Itoobiya u fadhiya Somalia Wondimu Asaminew, kaasi oo ka koobnaa dhowr beej.

Nuqulo kamid ah Warqadahaasi oo horay u baxay ayaa la sheegay in loo diray Wasaarada arrimaha dibada dalka Itoobiya, halka nuqulada qaar la gaarsiiyay Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Warqadahaani ayaa lagu muujiyay taageerida Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu cadeeyay in Xassan uu mudan yahay inuu sii hayo xilka.

Dowlada Itoobiya ayaa miisaan Siyaasadeed ku dhex leh Siyaasada Somalia, waxa ayna warqadahaani baxeen sida la sheegay kadib safarka Xassan Sheekh uu ku gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI.

Dhinaca kale, QM oo warqadahaasi sirta ah la gaarsiiyay ayaan weli ka hadal Siyaasada cusub ay isla daadihinayaan Xassan iyo Ethiopia, waxa ayna tani imaaneysaa iyadoo maalin un ka hor Ergayga QM u qaabilsan Somalia Micheal uu shaki ka muujiyay qabsoomida doorashada Somalia.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media