WAR DEG DEG AH:- Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

0

Ugu yaraan labo Askari ayaa ku dhaawacmay Qarax nuuciisa aan weli la shaacin oo ka dhacay nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay meel ku dhow Wsaarada Gaashaandhiga oo ay fadhiyeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida goobjooge uu u sheegay Idaacadda Shabelle.

Dhaawaca labada Askari ayaa lagu soo waramayaa in loo qaaday Isbitaal, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu soo dhibaabo.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin Qaraxa la sheegay in uu ka dhacay nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi balse Al Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay waxey weeraro u badan is-qarxin ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Caasimada Soomaaliya.

kala soco Allgalgaduud.com Wixii soo kordha..