WAR DEG DEG AH:- Howlgal Culus oo ka Socda Muqdisho iyo Gaadiidka Ciidanka AMISOM oo Wadooyinka lagu Xeray

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howgal waxa ay ka waddaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdishoo.

Gawaarida ciidanka AMISOM ayaa lasoo dhigay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha .

Sidoo kale Gawaarida Ciidanka Nabad suggida Soomaaliya ayaa la soo dhigay isgoysyadaasi, waxaana jidadka iyo sidoo kale Luuqyada taagan Ciidanka Nabadsuggida Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxa ay howgal qorshaysan ay ka fulinaayeen qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.