WAR DEG DEG AH:- Hoobiyaal Goor dhaw ku soo dhacay Degmo ka Mid ah Gobolka Banaadir

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in tiro Madaafiic  ah  ay caawa ku dhaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Maqleen ku dhawaad 4 Madfac oo kusoo dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Madaafiic ayaa ku dhacay xaafadda Buulo Xuubeey gaar ahaan Agagaarka Iskuul Jabuuti sida uu idaacadda Risaala u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Kudhawaad 6 qof ayaa ku dhawaacantay Madaafiicda ku dhacday xafaada Buulo xuubey.

Kala soco Wixii soo kordha Allgalgaduud.com..