Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid oo ka digay inay Daacish Khatar dhab ah ku noqon karaan Somalia..

0

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, ahna Musharax Madaxweyne Omar Abdirashiid Ali Sharma’arke ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo maanta lagu soo daabacay  Wargeyska NEWSWEEK ee ka soo baxa dalka Maraykanka.

Musharax Omar Abdirashiid oo Xilka Ra’isul-wasaarenimadda soo qabtay labo jeer muddadii u dhexeysay sannadihii 2009-kii ilaa 2010-kii iyo bishii December ee sannadkii 2014-kii ilaa iyo haatan ayaa wax laga weydiiyey Ajendahiisa haddii uu ku guuleysto Madaxweynenimadda Somalia.

Waxa uu tilmaamay inuu leeyahay Khibrad iyo Faham badan u leeyahay waxa haatan ka socda Somalia iyo qoddobadda xaqiiqda ee loo baahan yahay in Heshiis laga gaaro iyo in si degdeg ah loo fuliyo.

“Dalkan waxa uu u baahan yahay Dib-u-heshiisiin, dadku waa inay khibrad ka kororsadeen dagaalladii gudaha ee Somalia ka dhacay 20-kii sanno ee la soo dhaafay” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka.

Wuxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay in la dhiso Kalsoonida iyo Isku-tiirsanaanta Bulshadda iyo Xiriirka ka dhexeeyo Dowladda Dhexe iyo Dowlad-gobaleedyadda.

Ra’isul-wasaare ahna Musharax Madaxweyne Omar Abdirashid Ali waxa uu Wareysigiisa ku sheegay muddada sannadka iyo barka ee uu xilkaasi hayo inuu u malaynayo inuu abuuray Deganaansho Siyaasadeed, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Dhallinyarada shaqo la’aanta hayso ee ka walaacsan Mustaqbalkooda.

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, ahna Musharax Madaxweyne waxa wax laga weydiiyey inay Xarakadda Alshabaab carqaladayn karaan Doorashooyinka, waxa uu tilmaamay inay Doorashooyinka ku dhici doonaan si nabad ah, isla markaana ay indhaha ku hayaan Isku-day kasta oo ay Alshabaab la maagan yihiin Doorashooyinka, waa sida uu hadalka u yiri.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey dhinaca Ammaanka, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in la dhiso Ciiddaanka Qaranka, si aan loo dareemin baahi dhinaca Ammanka.

Waxa uu tilmaamay inay wax badan ka dhacayaan dalalka deriska, iyadoo ay weli socdaan Colaadaha Yemen.

“Daacish, Alqaacida iyo qof kasta waxa uu indhaha ku hayaa Somalia sababo la xiriira marnaanshaha halkan ka jira, waxaana xaqiiqdii loo baahan yahay in la soo wada xio Marnaanshahaasi, ka hor intaysan Dhallinyaraadaasi imaanin ama isku tijaabinin inay Somalia soo galaan.

Wareysiga Khaaska ee Musharax Omar Abdirashid Ali siiyey Wargeyska NEWSWEEK waxaa kaloo wax laga weydiiyey Khatarta ay Daacish ku hayso Somalia, waxa uu sheegay inay dhibaatadaasi rumoobi doonto berry, balse ay indhhaa ku hayaan waxay ku dhamaato.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan koox tiro ah oo ka tirsanayd Xarakadda Alshabaab, kuwaasi oo ku biiray Kooxda Daacish ee haatan ku sugan Buuraleyda Golis ee W/bari Somalia.

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, ahna Musharax Madaxweyne waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay isku hawli doonaan sidii loo hubin lahaa in Dhallinyarada Daacish loo qaadi lahaa Daryeel ama sidii guud ahaan looga wada takhalusi lahaa.