Kooxo hubeysan oo Labo Qof ku dilay magaalada Baladweyne..

0

Wararka imaanaya duleedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Goordhaw Kooxo hubeysan ayaa laba qof rayidka ah ku dileen halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u sheegay in dilka uu ahaa mid ku saleynsan aanooyin qabiil .

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegaya in ay goobta iskaga baxsadeen , waxaana  goobtii lagu dilay ragga  soo gaaray maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda labada nin ee la dilay.

Dadka la dilay ayaa la sheegaya in ay ahaayeen dad reer Miyi ah oo xoola dhaqato  ah , waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanka ay Risaala u sheegeen in arinta ay salka ku hayso anooyin Qabiil.