Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Hoobiyaal Caawa Muqdisho ku soo dhacay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya Madaafiic Caawa lagu garaacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Kudhawaad 7 Madfac ayaa ku dhacay Xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah dadka kunool Xaafada Buulo Xuubeey ayaa sheegay in Madaafiicda qeybo ka mid ah ay ku dhaceen Masjidka Cabdullaahi Bin Cabaas oo ku yaalla Xaafada Buulo Xuubey.

Waxaa sidoo kale ay wararku sheegayaan in Madaafiicda Qaarkood ay ku dhaceen guri dad shacab ah ay deganaayaan oo ku yaalla isla Xaafada Buulo Xuubey.

Maamulka degmada Wadajir oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo Madaafiicda ku dhacday Xaafada Buulo Xubeey.

Qof ka mid ah dadka kunool Xaafadda Buulo Xuubeey ayaa sheegay in uu arkaayay dad dhaawaca oo laga soo qaaday goobtii ay Madaafiicdu ku dhaceen.

Qoobjoogahaasi ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in dhihiisa ay qabteen ku dhawaad 4 qof oo dhawaca.