DHAGEYSO:- Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo booqday Isbitaalka uu ku jiro Abwaan Sangub

0

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa maanta Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku booqday Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub oo xaalad caafimaad isbitaalka u jiifa.

Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa Saxaafadda u sheegay in Xaalada Abwaanka ay tahay mid hagaagsan tahay oo sidii hore ay ka soo raynayso.

Wasiir dowladaha wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Cabdirashiid Xidig oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in abwaan Sangub uu ka mid yahay dadka waxbadan u soo qabtay dalka.

Abwaan Sangub oo ah Abwaan Soomaaliyeed oo taariikh fac weyn ku leh dalka, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la soo dersay xanuuno kala duwan oo ugu dambeyn sababay in Isbitaalka la seexiyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-