DHAGEYSO:- Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble "Puntlad Haddii Aysan Raaligalin Bixin Wax Kalaa Dhacaya":

0

Waxaa isa soo taraya wararka hanjabaad ah ee warbaahinta loo marinayo maamulka Puntland kadib markii Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Habar Gidir ayaa si kulul waxay uga hadleen Hadal ay ku sheegeen Gef iyo Mid aan laga fiirsan oo kasoo baxay maamulka Puntland.

Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah Odayaasha beesha Habar Gidir ayaa sheegay in Jawaab hadii aysan bixin Puntland ay wax aysan arkin ku dhigi doonaan.

Cabdullaahi Khaliif Rooble waxa uu sheegay in ay la yaabeen markii ay maqlen Hadalka Puntland ay ku sheegeen Galmudug kuwo Al Shabaab ah taasina ay sii holcisey Xiisada Labada Maamul Udhaxeysa.

Imaamka waxa uu sheegay Hore inay uga xumaadeen in Mareykanka ay la safteen Puntland oo Duqeyn Diyaaradeed Isbuuc ka hor lagu Hogaamiyey Maamulka Galmudug hadana ay ku sheegeen kuwo Al Shabaabka katirsan Galmudug.

 

HOOS KA DHAGEYSO