DHAGEYSO: Hay'ada Culimada Somaliyed oo war ka soo saartay dagaalka Gaalkacyo..

0

Sheikh Bashiir Max’ed Salaad,Guddoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray Xiisad dagaal eek a dhex taagan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay Sheikh Bashiir in wax faa’ido ah aysan lahayn dhiig Shacab oo la diidiyo,balse muhiimada ay tahay in wax waliba miiska wada hadalka lagu xaliyo.

Sidoo kale,Guddoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in  ay tahay wax laga xumaado in maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku dagaalamaan Magaalada Gaalkacyo.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in nidaamka Faderaalka uu sabab u yahay in dagaal uu ka qarxo Magaalada Gaalkacyo  iyo sidoo kale maamulada ee dalka Ka jira.

Waxa uu sheegay in Nidaam Faderaalka oo aysan fahansaneyn bulshada Soomaaliyeed uu qatarna ku yahay jiritaanka umada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn,Sheikh Bashiir Max’ed ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug iney ka door bidaan dagaalka wada hadal mira dhal noqda.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA..