DHAGEYSO:- Burcad Xalay Saqdii Dhexe Boob Ka Geystay Xaafada Juungal Ee Magaalada Muqdisho.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe Dableey Hubeysan ayaa waxay dhac iyo Boob ka geysteen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid Ee Magaalada Muqdisho.

Waxa Kooxdaasi ay ku hubeysnaayeen Bistoolado waxaana ay jabiyeen Guryaha Shacabka ay ku jireen iyagoo jir dil ugeystay dadka rayidka ee guryahaasi kusugnaa.

Warkan ayaa waxa uu intaas ku darayaa Xaafada Juungal ayaa waxa dadka deggan ay sheegeen inay dhibaato xoogan ku qabaan kooxdaasi burcada ah oo qaab baaritaan oo kale kusoo galaya xaafada kadibna mobilada,Labtopyada,Lacagaha iyo Alaabta yar yar ay ka aruursanayeen.

Isku soo wada duuboo Qof ka mid ah dadka deggan Xaafada Juungal ayaa ka warbixiyey sida ay wax uga dhaceen Halkaasi isagoo sheegay in xitaa maalmo ka hor sidaan oo kale wiil jaamcad ukalahayey la jir dilay oo dhac iyo dhibaato kale la iskugu daray.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO