DHAGEYSO+SAWIRO:- Xildhibaanada cusub ee Maamulka HIRSHABEELLE oo maanta la xareeyay..

0

Waxaa maanta howlka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe lagu xareeyay Xildhibaanada dhawaan ay soo xuleen Odayaasha dhaqan Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Inkastoo wali si rasmi ah loo shaacin tirade Xildhibaanada hadana waxay maanta  la kulmeen Guddiga farsamada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Urur Goboleedka IGAD, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa shirka looguna gudbi lahaa wajiyada ugu dambeeya.

Waxaa la sheegayaa wali inuu jiro muran ku aadan dhismaha maamulka,maadaama ay jiraan beelo wali soo gudbin Xildhibaanada u matalaya labad Gobol.

Xildhibaanada oo maanta la dhaarinayo ayaa waxaa ku jira ilaa iyo seddex Haween,kuwaasi oo si weyn ay ugu doodeen Ururka Haweenka Qaranka.

15ka bishan Oktobar,ayaa lagu wadaa hadii ay suurta gal tahay in la soo doorto madaxweynaha maamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka, Kana Daawo Sawirada:-

xildhibanjowh-1 xildhibanjowh-2 xildhibanjowh-3 xildhibanjowh-4 xildhibanjowh-5 xildhibanjowh-6