DAAWO SAWIRADA: Dr Cali Maxamed Caraale oo ku dhowaaqay inuu yahay musharax Madaxweynaha HIR-SHABEELLE..

0

Dr Cali Maxamed Carraale oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa maanta ugaga dhowaaqay magaalada Jowhar inuu yahay musharax Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa dadkii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed Marwo Butuulo Axmad Gabale,oday dhaqameedyo,qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafladan ayaa waxaa lagu soo bandhigay bandhig faneed ay jilayeen fanaaniinta gobolka Sh/dhexe kuwaasoo ku soo bandhigay suugaan kala gedisan.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Qaranka Marwo Batuulo Axmed ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in maanta ay goobjoog ka noqoto munaasabadan uu ugaga dhowaaqayay Dr Cali Maxamed Caraale waxayna sheegtay inay soo dhoweynayso habka dimuqraadiyada leh ee shirka maamul goboleedka Hirshabelle loogu tartamayo.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay marti sharaf kala duwan kuwaasoo ugu hambalyeeyay musharaxa go’aanka uu ku qaatay in uu ugu tartamo doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

Gabagabadii waxaa xaflada ka hadlay Dr Cali Maxamad Carraale ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madax weynaha dowlad goboleedka HIRSHABELLE.

Musharaxa Dr Cali Maxamed Carraale waxa uu ku soo jirey siyaasada soomaaliya muddo dheer isagoo ka soo shaqeeyay wadamada caalamka gaar ahaan wadamada Maraykanka,Ingiriiska iyo wadamo kale,

Dr Cali Maxamed Carraale waxa uu ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray xilal kala duwan oo heer wasiir ah.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Jowhar doorashada Madaxweynaha maamulka HIRSHABELLE iyadoo maanta la xareeyay xildhibaanada Baarlamaanka kuwaasoo la qorsheynayo in la dhaariyo berri oo ah 9ka bisha Oktobar 2016.

musharax-arale-2 musharax-arale-3 musharax-arale-4 musharax-arale-5 musharax-arale-6 musharax-arale-7 musharax-arale-8