DAAWO SAWIRADA: Dhismaha Maxjarkii shalay oo Galmudug iyo Puntland ku dagaalameen oo socda..

0

Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,waxaa ka sii soconayo dhismaha  maxjarkii ay shalay soo weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.

Maxjarka ayaa hada loo dhisayaa baraagihii iyo deyrkii lagu wareejin lahaa.sida dadka deegaanka inoo sheegeen.

Farxaan cabdi Gaafaa kuxigeenka duqa magaalada Gaalkacyo ayaa sheegey inaysan marna cidna ka haybaysanayan wada hadal iyo gor gortana aysan ka galay in dhulka Puntland ay wax ka dhistaan maamulka baraxlayna waxaa ugu baqay inay dhulkooda ku ekaadaan.

Eng Khaalid  Axmed Yaasiin oo kamida khabiirada dhisaya maxjarka ayaa sheegey inay mudo kooban ku diyaarinayaan maxjarkaan ayna u samaynayaan dhamaan adeegyada maxjarka looga baahnaa hadan goobihii biyaha ay dhisayaan.

11 12-1 14 20-1