Al-Shabaab oo Arrin Argagax leh ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Baay

0

Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah  waxa ay ku fuliyeen wiil dhalinyaro ahaa  oo ay ku eedeeyeen in uu dil ka geystay deegaanada ay ka taliyaan.

Ninka dhalinyarada ah oo ay dilka fuliyeen  Al-Shabaab ayaa waxa la sheegay in  isaga iyo rag kale in ay dil ka geysteen deegaano ku dhow degmada Qansax dheere ee gobolka Baay.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo Fuulay ee gobolka Baay.

Shabaab ayaa isugu  wacay Boqolaal qof  oo ay u sheegeen inay u soo daawasho tagaan xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Gudoomiyaha Maxkamada Al-Shabaab ee deegaanada Baay iyo Bakool ayaa sheegay in Aadan Barrow lagu riday xukun dil ka dib markii lagu eedeeyay in uu geystay fal dil ah.

Aadan Barrow oo ah wiilka ay Al-Shabaab xukunka dil ah ay ku fuliyeen ayaa Maxkamada horteeda ka qirtay dambiyada lagu soo oogay sida uu sheegay gudoomiyaha Maxkamada Al-Shabaab ee gobolada Baay iyo Bakool.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay xukuno kala duwan ay ku ridaan dadka kunool deegaanada ay gacanta ku hayaan.