AKHRISO WARBIXIN XIISO BADAN:- 4 Sano gudaheed Muqdisho Waxaa ka dhacay Ku dhawaad 50 Qarax, Dad qiimo badana wey ku dhinteen yaa loo raacanaya Masuuliyadaasi”..

0

Walaalayaal waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa 47 Qarax oo dalkeena ka dhacay 4-tii sano ee la soo dhaafay dad badan oo qiimo lahaana ay ummada Soomaaliyeed ku weysay.

QARAXYADA DHACAY SANADKII 2012

1}. Sep. 11, 2012:- Maalin kadib Markii lagu dhawaaqay Xasan Shiiq Maxamuud in uu yahay madaxweyanaha soomaaliya ayaa Qarax ismiidaaamin lagu qaaday Hotelka uu Dagnaa Madaxweynuhu.

2}.September 20, 2012:- Qaraxyo Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Maqaayadda The Village oo ku dhegan guriga Hooyooyinka, 16 qof oo wariyaal ay ku jireen ayaa dhintay. Saxafiyiinta la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen waxaa ka mid ah Madaxa Wararka ee TV-ga Qaranka Liibaan Cali Nuur, wariye C/sataar Daahir Sabriye oo isna ka mid ahaa wariyaasha Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka, iyo sidoo kale agaasimihi Radio VOD ee magaalada Muqdisho C/raxmaan Yaasin Cali, Waxaa kaloo halkaas ku dhintay Marxuum Maxamed Xirsi Dhuunkaal iyo dad kale.

3}.October 12, 2012:- Qaraxan ayaa waxaa bartamaha Magaaladda lagula eegtay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo Roondo ku marayay gudaha Magaaladda.

4}.December 14, 2012:- Qof shacab ah ayaa ku dhintay 10- qof kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari walaxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

QARAXYADA DHACAY SANADKII 2013

5}.January 29, 2013:- qof naftiis halige ah ayaa isku hor qarxiyay irida hore ee Xafiiska Ral’isal wasaaraha . qaraxaas oo sababay Qasaaro Fara badan .

6}.Maarso 01, 2013:- Laba qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido oo lagu magacaabo Indian Ocean iyadoona qaraxyadaasi ay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

7}.Maarso 18, 2013:- Qarax Ismiidaamin ah oo lagu dilay 10-qof oo shacab iyo askar isugu jiray uu ka dhacay afaafka hore ee Ex-fiyooraha, kaasoo lagu weeraray taliyihii hore ee nabadsugidda gobokla Banaadir, Khaliif Axmed Ereg,

8}.Apr 14, 2013:- weerarkii bishii April ee sannadkan lagu qaaday dhismaha ay ku shaqeyaan maxkamadaha dalka, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo isugu jiray garsoorayaal iyo dad dacwado isku haysta.

9}.MAY 5, 2013:- Ugu yaraan 12-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay, askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda Qaranka, haweeney iyo ilmo yar oo ay wadatay ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, sidoo kale 25-qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

10}.JUNE 19, 2013:- weerarro is-miidaamin iyo kuwo toos isugu jiray lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen 15-qof oo isugu jiray shaqaale ajnabi ah oo xaruntan ka howlgalayay, ciidamadii ilaalada ka hayay, dad shacab ah iyo xoogaggii weeraray.

11}.JUNE 2013:- Sidoo kale, bishii Juun ee sannadkaas waxaa iyadana weerar gaadmo ah lagu qaaday gaadiid ay wateen shaqaale Turki ah.

12}.July, 27- 2013, waxaa weerar ismiidaamin ahaa lagu qaaday qunsuliyad ay dowladda Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkasoo ay ku dhinteen laba qof oo midkood uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Turkiga iyo wiil arday Soomaaliyeed ah oo halkaas marayay.

13}.August 04, 2013:- Ugu yaraan labaatameeyo qaraxyo ayaa Xilli Habeen ah siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaasoo geystay khasaaro Farax badan.

14}.September 7, 2013:- Labo Qarax oo ka dhacday Banaanka maqaayadda The Village ee Guriga Hooyooyinka ayaa waxaa ku Dhimatay 18 Ruux dhaawaca waxa u gaarayay 30 ruux inta la xaqiijiyay.

15}.September , 2013:- Qarax ismiidaamin ah o ka dhacay Dagmada Deyniile kaas oo lala eegtay Ciidanka Dowladda oo mushar Qaadasho Saf Dheer ugu jiray.

16}.NOVEMBER 2013:- Xilli fiid ah ayaa qaraxyo is-miidaamin ahaa waxay ka dhaceen afaafka hore ee hoteelka Maka Al-Mukarama kuwaasoo ay ku dhinteen afar qof, 15-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

17}.DECEMBER 2013 :- Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa bishan December lix qof oo ay ku jireen Saddex dhakhtar oo u dhashay dalka Suuriya ku dileen duleedka Muqdisho.

18}.DECEMBER 27-di 2013:- Ugu dambeyn, maalintii Jimcaha ahayd ee 27-kii bishan December wuxuu qarax miino oo dilay 11-qof ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Ban-gala ee degmada Dayniile, waxaana dadka ku dhintay ku jiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda.

QARAXYADII DHACAY SANADKII 2014

19}.January 1, 2014:- Qarax ismiidaamin ah ayaa waxaa lagu qaaday Hotel Jazeera waxaana ku dhimatay 5 ruux inta la xaqiijiyay dhaawacana waxa uu ahaa 11 ruux oo labo Xildhibaan aheyd.

Qaraxaas ayaa bartimaameedkiisu lagu sheegay in uu ahaa Taliyihii hore ee Nabad Sugidda G/ Banaadir Gen. khaliif Ahmed Erag.

20}.February 21, 2014 :-Duhur Cad Waxaa weerar iyo QaraxyoIsxig Xigay lagu soo qaaday Aqalka Madaxtooyada Somaliya Xilligaas uu Xasan Shiikh ka Badbaaday iskuday Dil.

21}.May 3, 2014:- Waxaa Qarax gaari lagu dilay Xoghayihii Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan Xilli uu maraayay Isgoyska Lamber Afar ee Magaalada Muqdisho.

22}.May 5, 2014:- Golaha Amaanka ee Qaramada Midowbe ayaa asoo saartay in ay soomaaliya Amaan aheyn la iskuna Haleyn Karin.

23}.May 24, 2014:- Waxa ay Kooxo hubeysnaa Weerar culus ku qaaden Xarunta Baarlamaanka Dalka Xilli 11:30 subaxnimo ay aheyd islamarkaana ay ka doodayeen Heshiis ay wada galeen Wasaaradaha Gaashandhiga Somalia iyo Talyaaniga.

24}.July 8, 2014:- Al-shabaab ayaa xilliga Maqrib ah Weerar Culus ku qaaday Madaxtooyadda Soomaaliya ee (Villa Somalia),ilaa saddex qarax iyo rasaas xooggan ayaa laga dhex-maqlay madaxtooyada. Wareerka ayaana qaatay Saacado badan,
Isla Bisha July oo sanadkaas ku soo aaday Xilli Soon ah ayaa Haben walba Muqdisho waxaa ka dhici jiray Bambo iyo Dilalka Qorsheysan.

25}.September 8, 2014:- Qarax Gaari loo adeegsaday ayaa weeraray Kolanyo Gaadiidka Amisom iyo Maamulka Shabeelaha Hoose Duleedka Caasimada Muqdisho iyadoo Qasaaro Badan uu ka dhashay Weerarkaas.

26}.December 27, 2014:- Waxaa Weerar lagu qaaday Xeradda Xalane oo Air-port kutaal wareerka aya qaatay saacado fara badan ayadoo la sheegay in ay Amisom ay Wax yeelo ka so gaartay Wareerkaas.

QARAXYADII DHACAY SANADKII 2015.

27}.January 22, 2015:- Gaari Qarax loo adeegsaday ayaa lagu Weeraray Hotel Syl ee magaalada muqdisho Xilli malin ka dhib u imaaday Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Urdogan .

28}.Feberaayo 20, 2015:-Waxaa Dhintay Xildhibaano iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Dowlada Waxaana Dhaawacmay Masuuliyiin Fara Badan oo u ka mid ahaa Ra’isal Wasaare ku Xigeenka Dalka iyo Wasiiro kale Xillli ay ku sugnaayeen Hotel Central ee magaalada muqdisho oo Baabuur Qarax ah lala eegtay.

29}.March 11, 2015:- Goor habeen ah ayaa waxaa uu qarax ka dhacay agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishu, labo qof ayaa ku dhaawacntay qaraxaas, waxaa sidoo kale ku burburay Hanti badan.

30}.March 27, 2015:- Koox si weyn u hubeysan ayaa xilli casar ah weerartay hotel Makka Al Mukarama, kadibna gudaha u galay, halkaasi oo ay ka dagaalamayeen 12 saacadood.
Masuuliyiintii ku geeritoytay waxaa ka mid ahaa
-Yuusuf barabari {safiirka Soomaaliya u fadhiyey Geneva xarunta xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobe }.

31}.April 21, 2015:- 9 qof oo ayaa dhimatay 7 kalena waa ay ku dhaawacantay Qarax lagu weeraray Maqaayadda Banooda ee ka soo horjeedka Hotel Central oo asina horay loo weeraray.

32}.July 10, 2015:- Labo weerar oo mataano ah oo ay u muuqatay in hal meel laga hagayay ayaa lagu qaaday labada hoteel ee kala Siyaad iyo Weheliye, 18 qof ayaa ku dhimatay halka 25 dhaawaca uu ka badnaa.

33}.July 26, 2015:- Ugu yaraan 15 qof oo rayid u badnaa, ayaa ku geeriyooday halka dhaawacana uu ahaa 30 ruux weerarkii ismiidaaminta ahaa oo lagu qaadey Hotel Jazeera Ee Magaalada Muqdisho.

34}.September 21, 2015:- Qarax ka dhacay Hotel SYL iyo Afafaafka Madaxtooyada, 11 ayaa la xaqiijiyay, C/qaadir Gabeyre iyo nin ay Saxiibo ahaayeen oo heystay dhalashada Poland ayaa goobta ku dhintay, Labada nin ayaa rabay in ay Muqdisho ka hirgeliyaan Hotel Casri ah, Soomaali iyo Turki ayaa sidoo kale la sheegay in dhimasho iyo dhaawac soo gaareen, waxaa kaloo burburay Hotel SYL, Gadiid iyo xitaa Madaxtooyada.

35}.November 1, 2015:-Qaraxyo iyo Weerar Saacado qaatay ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Saxafi ee magaalada muqdisho. Waxaana ku Geeriyooday Weerarkaas Gen. Dhagabadan ,Ninkii lahaa Hotelka , Xildhibaano, Wariyeyaal , iyo Dadkale oo Shacab ahaa.

36}.January 2, 2016:- Ruux Naftii Halige ah ayaa isku Qarxiyay Maqaayadda The Village ee guriga Hooyoyinka kutaala waxaana ka dhashay Qasaaro fara badan.

37}.January 21, 2016:- Weeraro ka dhacay Liido, goor Maqrib ayaa weerar lagu qaaday Maqaahida Sea Food ee xeebta Liido, waxaa halkaas joogay dad shacab ah, ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay halka dhaawaca uu kor u dhaafay 40 qof.

38}.Xilli maalmo kadib uu Xasan Shiikh u Duulay Kenya si uu uga Qeybqaato aas Qaran oo loo sameynaayay Ciidanka Kenya ee lagu dilay Weerarkii Ceel Cadde ee soomaaliya.

39}.February 26, 2016:- Laba Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray meel ku dhaw Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana barbar socday rag hubeysan oo la sheegay inay damacsanaayeen gudaha inay u galaan Hotelka, waxaa halkaasi ku dhintay dad ku dhaw 10 iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux.

40) Maarso 31, 2016 Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa lagu dilay Xisaabiyihii Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Marxuum Siciid Cali Yusuf Gaadayare.

41}.June 1, 2016:- hotel Ambassador dharaar cad ayaa weerar lagu qaaday waxaana lagu jiray mudo dhan 10 saacadood ah waxaana ku dhintay 15 of ayaa ku dhimatay dhimashada qeyb ka ahaa labo Xidhibaan oo kala ahaa
Xildhibaan Kaba weyne iyo Xildhibaan Guure

Dhaawaca waxa uu garayay 50 ruux.

42}.june 25, 2016 :- Hotel Naasa-hablood one magaalada muqdisho ayaa la weeraray waxaana laheystay mudo saacada ah waxaana ku dhintay inta laxaqiijiyay 15 ruux oo uu ku jiro Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra.isal wasaaraha Burci maxamed Xamza.
dhaawaca aya gaarayay ilaa 25 ruux oo ay ku jiraan dad aan wadanka ila hada waxba looga qaban oo iska yaala qaar ka mid ah isbitaaada muqdisho.

43}.July 26, 2016:- maalintaa waxaa dhimatay 13 ruux waxaana dhawacantay 35 qof badankood ayaa ahaa askar ciidan waxaana lagu weeraray labo gaari oo waxaxa qarxa laga soo buuxiyay agagaarka Garoonka Adan Cadde ee muqdisho.

44}.July 31, 2016:- Waxaa Weerar lagu Qaaday Xarunta Danbi Baarista Ee {CID}weerarka ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

45}.August 21, 2016:- weerar ismiidamin ah waxa uu ka dhacay \magalada Galkacyo ee Gobolka Mudug waxaana ku dhamaaday Dad danyar ah waxa uuna kacdhacay Qaraxyada mid ka mid ah Meel Suuq u dhaw.

46}.August 26, 2016:-waxaa weerar lagu qaaday baar lagu magacaabo Banaadir Beach waxaana uu weerarka sacday mudo saacada ah waxana weerarkaas ku dhimatay 9 ruux halka dhaawacan uu gaarayay ilaa 11 ruux.

47}.August 30, 2016:- waxaa markii afaraad la weeraray Hotel Syl Magalada muqdisho waxana Malinkaa la Werarayay Hotelka ka socday Shir looga haylaayo Amaanka Dalka waxaana Weerarka ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac fara Badan.

XASUUSNOOW : Qarixii ugu horeeyay ee dhacay maalin ka dib doorashadii madaxweynaha wuxuu Madaxweynuhu yiri saxaafada ka yiri “This explosion will be the last of it’s kind” oo macnaheedu yahay:

Qaraxani wuxuu noqonayaa midki ugu dambeeyey Qarax nuuciise ah ee dhaca.

Mahadsanidiin.

Qoraaga warbixintaan Cali Yare Cali