DHAGEYSO WAREYSI:- Wararkii ugu dambeeyay ee Saakay iyo Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya saaka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in dadka kunool Gaalkacyo ay ka cabsi qabaan in dagaal uu mar kale dib uga Qarxo magaalada Gaalkacyo oo shalay ku dagaalameen maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamo aad u farabadan ayaa la soo dhoobay Waqooyiga iyo sidoo kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u sheegay in Puntland iyo Galmudug ay xalay Gaalkacyo Keeneyn ciidamo dheeraad ah , waxaana ciidankaasi ay saakay goof wareegayaan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyeyaasha Magaalada Gaalkacyo Xirsi yuusuf Barre iyo Maxamuud Yasiin Axmed Tumay oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in ay wadaan dadaalo lagu doonaayo in uusan markale dagaal ka dhacin Magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka iyo sidoo kale Culimada  ayaa lagu wado in ay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo , kasoo looga hadlaayo xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug.

Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay ku dagaalamay Gaalkacyo waxaana ku dhintay ku dhawaad 6 qof , halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah dadka kunool Magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixinaya xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran:-