WAR DEG DEG AH:- Shil gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Daau-salaam ayaa waxa ay sheegayaan in shil Gaari goor dhow halkaasi uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay shilkan ayaa waxaa ku geeryootey 4 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa Spacio,Taariko AE4830, ayaa lagu soo warramayaa inuu jiiray Dhallinyaro halkaasi Kubbad ku ciyaaraysay, waxaana Dadka goobta ku dhintay ka mid ahaa wadihii Gaariga.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Maamulka Degmada iyo laamaha Amaanka, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sababta ka dambaysay shilkan iyo sida ay wax u dhaceen.