DHAGEYSO XASAASI:- Ergo Caro iyo Tabasho kaga baxay Shirka Jowhar ka socda

0

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe weli waxaa ka soconaya shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka saakay laga helayo ayaa waxa ay sheegayaan in shalay galab ay isaga baxeen shirka ka socda Jowhar xubno ka tirsan Ergooyinka ka qeyb galaya shirka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Sababaha ay uga caroodeen ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii maalmo kahor Ergada ka qeyb galeysa shirka ay u codeeyeen in caasimada koowaad ee Maamulkan laga dhigo Magaalada Jowhar.

Nabadoon Maxamed Yacquub Isaaq oo ka mid ah Ergada ka qeyb galeysa shirka ayaa Idaacadda Risaala faah faahin ka siiyay halka uu marayo shirka iyo Ergada isaga baxday.

Digreeto kol hore ka soo baxday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caasimada Maamulka Hirshabeelle waxaa loogu magacaabay in ay noqoto Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO