DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Wax ka baro Taariikhda Degmada Xamar Jajab

0

Degmada xamar jajab waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ugu facaweyn ee gobolka banaadir waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ugu faca weyn gobolkan banaadir, waxaana la aas-aasay ka hor qarnigii 16aad ee miilaadiga, dadkii ugu horreeyey ee degay waa dadka cad-cadka oo qabaa’il kala gedisan kasoo kala jeeda.

Degmadu  waxay soo martay Heerar kala gedisan, dhismaha hadda ka dhisan,wadooyinka laamiyada ah, suuqyada iyo xarumaha waa weyn ee ku yaala degmadaas waxaa dhisay duqii magaalada muqdisho ee ugu horreeyey jamaal maxamed.

Xamar jajab Waxaa Ku yaalla Dekedda Muqdisho Waxaa Kuyaala Xabsiga Dhexe Waxey qeyb Ka Leedahay Buundooyinka Waxaa Ku Yaalla Weli oo ay qeyb Wey kaleedahay Ex-Isbitaal Martiini Waxaa Ku Yaalla Xamar Jajab taalada Caanka Ah Ee S.Y.L Waxaa Ku Taalla Xaruunta Dhoofinta Muuska Somali Fruit Waxaa Ku Yaalla Dugsigii Tababarka Booliska Soomaaliyeed Ee Gen Kaahiye.

Degmada xamar jajab waxaa ay leedahay shan xaafadood oo kala ah Israaca,Ceelgaabta,Buulo Eelaay,Shaamow,Shiiq muxudiin,Raage Ugaas,Sh.shaacir,xaafadahaas ayaa ah kuwo leh goobo taariiq ah oo ay wada garanayaan dadka ku dhaqan gobolka banaadir gaar ahaan degmada xamar jajab.

Masaajida ku yaala degmada ay caanka ku tahay waxaa ka mid ah Masaajidka Xaaji Rajab,Masaajidka Shaamow,Masaajidka Shiiqmuxudiin,Masaajidka Ramaax,masjidka Sh.Uweys,Masaajidka Afrika, Degmada Xamar Jajab Waxey Xuduud La Leedahay sadex Degmo Oo kala Ah Waaberi Xamar Weyne,iyo degmada wada jir.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Xamar Jajab:-