WAR DEG DEG:- Magaalada Caasimada u noqoneysa Hiiraan iyo Sh/dhexe oo la isku raacay

0

Ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo cod u qaaday goor dhow xarunta maamul goboleedka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ,waxaana Ergadu ay isku raaceen in ay Caasimaddu noqoto Magaalada Jowhar.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa ergo ka socota beelaha labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ka doodayeen dastuurka maamul goboleedka uu yeelanayo.

Qodobka 4aad ee cutubka 1aad ee qabya qoraalka dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran Magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH waxaana xubinta ugu horeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda iyadoo qaabka loo qorayna uu yahay sidan;

1 Magaala Madaxda Dowlad Goboleedka DGH&SHDH waa…………….

Wararka shirka ayaa sheegaya in codka loo qaaday halka ay noqoneyso caasimada ay inta badan ergada shirka u codeeyeen magaalada Jowhar

Hase yeeshee intii aanu shirkan furmin bartamihii sanadkii hore ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ku sheegay in magaalada madaxda labada gobol ay tahay Buuloburte halka madasha shirana laga dhigay magaalada Jowhar.

Lama oga sida ay u dhaqan galayso in ergo ay bedelaan wareegto madaxweyne.

Ka dhigista magaalada Jowhar caasimada labada gobol ayaa waxaa dadka qaarkii ay u arkaan mid sii fogeynaysa duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda gobolka hiiraan oo ka soo horjeeda maamulka loo dhisayo gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Kulanka ergada ay kuyeelanayaan magaalada Jowhar ayaa loo diiday saxaafada inay ka qeybgasho marka laga reebo idaacada iyo taleefishinka qaranka.