TOP DHAGEYSO:- Howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo ka socda Bay

0

Maamulka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan howgallo kala duwan oo ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada hoos yimaada degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha degmada Buur-hakaba Maxamed Cabdi Maxamed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen howgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo amniga deegaanada hoos yimaada degmada Buurhakaba.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin in ay weeraraan goobaha ay joogaan Xarakada Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa kusoo beegmaya xilli shalay ciidanka dowladda Soomaaliya 2 Qarax lagula eegtay duleedka magaalada Buur-hakaba xilli ay wadeen Baaritaano amniga lagu xaqiijinaayo.

Inta la xaqjiiyay Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku dhintay 1 Askari, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 Qof oo kale, kuwaas oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO