Kenya oo sheegtay in ay billaabeen Howlgallo ay uga hortagayaan weerarada Al Shabaab

0

Ciidamada Ammaanka ee waddanka Kenya ayaa Howlgallo waxa ay ka wadaan deegaanno ku yaalla Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Howlgallada ay wadaan Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah qorsho looga hortagayo weerarada Al Shabaab oo gacansaar laleh Ururka Al Qaacida ay ku qaadaan gudaha dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan Booliska Waddanka Kenya ayaa sheegay in Howlgallo Wadajir ah oo ay qaadeen Ciidamada Amniga  iyo kuwa Milatariga Kenya ay keentay in ay fashiliyaan weeraro Al Shabaab ay ku qaadi rabeen bilihii la soo dhaafay Magaalooyinka Wajeer iyo Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Kenya ayaa sheegeysa in hadda ay si weyn u adkeeyeen Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ayna xoogga saareen ka hortagga weerarda Al Shabaab.