Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Been abuur ku sheegay in Heshiis ay la galeen Dowlada Soomaaliya

0

Shalay waxaa Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Heshiis hor dhac ah ku gaaray Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ee uu Hogaamiyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Heshiiska ayaa ahaa in Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya uu dhexdhexaadiyo Duubabla dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Khilaafka ka dhaxeeya.

Intaa ka dib ayaa Qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Warbaahinta waxaa ay beeniyeen in ay Heshiis la galeen Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa si weyn uga soo horjeeda Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee hadda ka socda Magaalada Jowhar.