Aftida Colombia: Codbixiyayaasha Colombia oo diiday heshiiskii nabadda Farc

0

Codbixiyayaasha Colombia ayaa diiday heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo ay wada galeen dowladda iyo fallaagada FARC.

In ka badan 13 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiibtay aftida loo qaaday heshiiska, hasayeeshee kooxda MAYA ayaa waxa ay ku guulaysteen waxyar wax ka badan 60 kun oo cod.

Madaxweyne Juan Manuel Santos – oo laf ahaantiisa todobaadkii hore heshiiska la saxiixday hogaamiyaha FARC – ayaa sheegay in heshiiska uu sii socon doono isaguna uusan iscasilayn.

In kastoo guul darro aanay filayn ay kala kulmeen aftidii dhacday shalay Axaddii, hadana dowladda Colombia iyo FARC waxay sheegeen in go’aankoodii ahaa in nabad la dhaliyaa halkiisii taagan yahay oo aanay arrintaasi waxba u dhimayn.

Madaxweyne Juan Manuel Santos oo ka hadlayay Telefishanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono dedaalkiisa ilaa maalinta ugu dambaysa mudada xilkiisa si heshiis nabadeed ay iskula meel dhigaan fallaagada, mudada xilkiisuna waxay ku egtahay sannadka 2018 ka.

Hogaamiyaha FARC oo loo yaqaan Timochenko ayaa isna sheegay inuu ku kalsoonyahay in kama dambaysta nabad waarta la gaadhi doono.

Labada dhinacba waxay dadaal siyaasadeed oo wayn geliyeen heshiiskan nabadeed kamana suurtowdo inay marxalladan haatan ah go’aankoodaa ka noqdaan.

Laakiin weli ma cadda in hogaamiyeyaashii intii ololaha aftidani socotay u ololaynayay in heshiiskan la diidaa ay aqbali doonaan in wada hadallada nabadda dib loo bilaabo iyo in kale.