XOG RASMI AH:- Wada hadalo hoose oo Muqdisho ku yeesheen Xasan Sheekh iyo Farmaajo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Wada hadalo hoose ay Magaalada Muqdisho ku dhex maray wakiilo kala metelaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Wada hadalada oo saddexdii habeen ee la soo dhaafay uu uga socday Hotel Jazeera, ayaa waxaa soo dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Maxamed C/laahi Maxamed oo aqbalay wada hadaladaasi, ayaa wakiiladiisa ku amray bal inay dhageystan waxa uu doonayo Madaxweynuhu.

Wakiilada Madaxweynaha Somaliya, ayaa u soo bandhigay wakiilada Ra’iisal Wasaarihii hore Somaliya in leesku biiriyo Xisbiyada PDP iyo TAYO, lana joojiyo bannaanbaxa la qorshaynayo in lagu soo dhaweeyo, si ay u wada qabtaan kulan wayn oo lagu soo dhaweynayo iyagoo wada socda, isla-markaana uu Madaxweynuhu ballanqadayo in haddii uu xilka ku guuleysto uu Farmaajo ka dhigi doono Ra’iisal Wasaarihiisa, mudada afarta sano ihi ee uu xafiiska joogayo.

Wakiiladii ka socday Farmaayo oo soo jeedinta Madaxweynaha teleefanka ugu sheegay Farmaajo, ayaa ku amray in labada garab ay isu qaybiyan, garab taageera soo jeedintaasi iyo garab kaloo ka soo horjeesta.

Wakiiladii Farmaajo oo habeenkii ugu dambeeyay la kulmay wakiilada kale, ayaa waxay arrintu u dhacday sidii uu Farmaajo ku soo amray, iyagoo buuq ka abuuray goobtii wada hadalada.

Wakiiladii ka socday Villa Somalia, ayaa isu deyay iay wakiilada kale ku qanciyan in ay hal saf noqdaan, balse waxaa la soo sheegaya in taasi ay ku hungoobeen, ugu dambeena waxay ku hanjabeen in Madaxtooyadu is hortaagi doonto bannaanbixii la qaban qaabinaayay in lagu soo dhaweynayo Farmaajo.

Maalinta Khamiista ee inagu soo aadan, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Farmaajo, haddii aanu waxba iska bedelin sida uu qorshihiisu yahay. Haddii Madaxtooyada amaba Maamulka Gobolka Banaadir uu midkood ka horyimaado bannaanbaxa lagu soo dhaweynayo, ayaa qorshaha Farmaajo waxaa uu yahay in wakiiladiisa ka qaylo dhaamiyaan Warbaahinta.

Muxuu Xasan Sheekh ku xushay Farmaajo?

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Farmaajo ku xushay isagoo taageero ka haysta Fahad Yaasiin, oo ku heyb ah Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed. Fahad Yaasiin wuxuu ka mid yahay ragga ugu waawayn ee Xsaan Sheekh ka caawiyay in uu ku guuleysto hoggaanka dalka, Sept 10, 2012.

Laakiin, Fahad ayaa ka carooday in uu la sii shaqeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sababo ku aadan isaga iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo isu khilaafay shakhsigii noqon lahaa Xildhibaanka Beesha Reer Aw Xasan ku metelaya Baarlamaanka Somaliya.

Ugaaska Beesha Reer Aw Xasan oo u yeeray Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa u sheegay inaanu noqon doonin Xildhibaanka Beesha ee Baarlamaanka xigga, bacdamaa uu ku eedeeyay inaanu waxba u qaban Beesha. Ugaaska waxaa uu xilligaa sheegay in Fahad Yaasiin uu noqonayo Xildhibaanka Reer Aw Xasan.

Wixii xilligaa ka dambeeyay waxay Madaxtooyada Somaliya kordhisay tirada Odayaasha Golaha Dhaqanka Deegaanada Somalida, oo tiradoodu ay hal xubin ku kordhisay, halkii ay markii hore ka ahayd 135 oday. Ugaaska Beesha Reer Aw Xasan ayaa markii hore ka imaan jiray Gobolka Hiiraan, hadase waxay Beeshu yeelanaysaa laba oday, iyadoo midka labaad uu ka imaanayo Deegaanada Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Xasan, ayaa xubin muhiim ah u arka Fahad Yaasiin, waana taa midda keentay in uu taageero weydiisto Farmaajo, Ra’iisal Wasaarihii hore Somaliya.