DHAGEYSO+SAWIRRO:- Kulan Looga Hadlayay Nabadgalyada Oo Lagu Qabtay Magaalada Caabudwaaq.

0

Kulankan oo ay soo agaasimeen qaybaha Bulshada ayaa waxaa kala qayb galay masuuliyiin ka tiirsan maamulka degmada iyo Ugaas Axmed Bare Cali waxaana looga hadlay xaalada amaan ee degmada oo maalimihii u dambaysan ay ka dhacayeen dilal kuwaasi oo hoos u dhigay aminiga degmada iyo ganacsiga.

Xubno ka tirsan ganacsatada degmada, Culimaa’udiin iyo dhalinyarada oo lahaa diyaarinta kulanka looga hadlayay xaalada nabadgalyo ayaa xusey in ay kordheer dilalka qorsheysan bishii ina dhaaftay waxaana dilal kaasi lala beegsaday dad kor udhaafaya 10.ruux

Madaxa Arimaha Bulshada maamulka Degmada Muuse Maxamed Axmed oo kulanka daah furay ayaa ugu baaqay ka qayb galayaasha kulanka in la daarso marxalada si loo wajaho xalka.

Xubno ka tirsan ka qayb galayaashii kulanka oo isugu jira Ganacsato, Dhalinyaro iyo odayaal ayaa ka hadlay Xaalada nabadgalyo waxay soo dhaweeyeen dadaalada socda ee la xariira Nabadda.

Shiikh Cali mahad oo ka mid ah ganacsatada degmada, Liibaan Daahir Xaashi iyo Nabadoon Yuusuf Shire ayaa ugu baaqay dadka Deegaanka in laga wada qayb qaato Nabadda

Ugu Dambayn Ugaas Axmed barre oo soo xiray kulanka ayaa ugu baaqay in ay joojiyaan dadka deegaanka dilalka dhexdooda ku salaysan.

HOOS KA DHAGEYSO

dscn0738

dscn0697 dscn0697_1 dscn0699 dscn0699_1 dscn0704 dscn0708 dscn0710 dscn0716 dscn0722 dscn0729 dscn0732 dscn0738

Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq/ Soomaaliya