TOP NEWS:- Al-Shabaab oo Gawaari ka qafaashay Duleedka Magaalada Afgooye

0

Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay qafaasheen 3 Gaarii oo siday Khaad.

Gawaaridan oo laga qafaashay Degaan 7Km u jira Degmada Afgooye ayaa lagu soo waramayaa in ay Khaad u sideen Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh.Hoose.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay Gawaaridaasi la aadeen dhanka Degaanka Bariire.

Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa  dhex u gala Gawaarida Khaadka u qaada Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.