TOP DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Dhibaatooyin ka jira Deegaano Al-Shabaab ay kala wareegeen

0

General Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Jubbaland ayaa wuxuu ka waramay Deegaano dhowr ah oo haatan ay kala wareegeen Shabaab.

Wuxuu sheegay Deegaanadaasi in xaaladooda hada ay tahay mid degan, isagoo sidoo kale ka deyriyay xaalada dadka ku nool Deeganada Ciidanka Dowladda, Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Jubbaland General Ismaaciil Saxardiid ayaa sidoo kale baaq u diray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana uu ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan Deegaanada Jubbaland.

Ciidamada iskaashanaya ee  Dowladda, kuwa Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo mudooyinii ugu dambeeyay ay ka talinayeen ururka Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

 

 

 

HALKAAN KA DHAGEYSO