DHAGEYSO XASAASI:- Duqayntii Askarteenii iyo Hubkeeni lagu burburiyay waxaa hagayay cida Diidan Nabada Gaalkacyo

0

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug ayaa si adag u cambaareeyay weerar dowladda Maraykanka ay ku dishay ciidamo Galmudug ah kaasoo ka dhacay degaanka Jeexdin ee duleedka magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dambeeyay kadib markii warbixin qaldan ay bixiyeen saraakiisha ciidanka PIS-ta Puntland oo ku sugan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

“Annagu waxa weeye wax badan baa ognahay, weerarkaasi waxaa ka dambeeyay Maraykan iyo  Dad Hagayay Waxana uu shegay in Dadka Galmudug ku soo Hogaamiyay Ciidanka Mareynkana ay yihiin Dad Waligood diidanaya Nabada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug

Ugu danbeyn waxa uu aduun waynaha uu ugu Baaqay in ay soo Faro Galiyaan Mashqadii ka dhacday Gaalkacyo oo uu ku tilmaamay mid aan indhaha laga Xiran Karin.

 

 

HALKAAN KA DHAGEYSO