WAR CUSUB DHAGEYSO :-Sheekh Shariif "Wax walba oo khalad ama Sax ah oo ka yimaada Kiiska Badda Waxaa Mas'uul ka ah R/wasaare Cumar iyo C/raxmaan C/Shakuur".

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay Dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta Muranka Badda.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu eedeynayay Dowladdiisa in ay Mas’uul ka aheyd Muranka hada u dhaxeeya Soomaalliya iyo Kenya, taas oo la xiriirta in xubno ka tirsan Dowladdiisa ay saxiixeen Heshiis is afgarad ahaa oo dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in Heshiiskaasi wanaag iyo xumaan waxa uu keeno in Mas’uuliyadiisa ay qaadayaan Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi jirey iyo Wasiirkii saxiixay, isaguna aan waxba ka ogeyn is afgaradka dhexmaray Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ee arrintaasi ku aadan.

Wxuu sheegay Sheekh Shariif in arrintan lagu soo aadiyay waqti xasaasi ah, sidoo kalena u muuqato mid la siyaasadeyanayo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn wuxuu ka hadlay shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu Dowladda Federaalka ka codsaday Maamul usameynta ka hor in ay sameyso shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo Waxgaradka Labada dhinac.

HALKAAN KA DHAGEYSO