DHAGEYSO:- Maxay dowlada Soomaaliya ka qaban kartaa Cunto yarida ka jirta Dalka ?

0

Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/Casiis Saalax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaarada beeraha ay ka hortageyso Cunto yari laga cabsi qabo iney ka dhacdo deegaano ka tirsan gobolada Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in deegaano ka tirsan gobolada Baay, Bakool, Awdal iyo deegaaano kale ay ka Cabsi qabaan iney ka dhacaan Cunto yari.

Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Dowladda Federaalka SoomaaliyaC/Casiis Saalax ayaa sidoo kale sheegay in ay dajinayaan qorshe ay kaga hortagayaan arrimahaasi.

Waxa uu Hay’addaha ka shaqeeya samafalka ugu baaqay in ay Wasaarada Beeraha ka taageeraan sidii loogu hortagi lahaa dhibaatooyinka soo socda sida uu sheegay wasiirka.

HALKAAN KA DHAGEYSO