TOP NEWS: Maamulka Puntland Oo Sureer Abshir Muuse U Magacaabay Safiirka Puntland Ee Itoobiya..

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Safiir ka wakiil ah Puntland u magacaabay dalka Itoobiya, taasoo dad badan layaab ku noqotay.

Warqad magacaabida oo shalay ka soo baxday Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Xeer Madaxweyne lagu magacaabay Sureer Abshir Muuse oo noqon doonta Safiirka dowladda Puntland u joogta Itoobiya sida lagu yiri qoraalka.

Arrintan ayaa ah mid ka hor imaaneysa diblomaasiyada caalamiga ah in Maamul goboleed ka mid ah dowladda Federaalka in Safiir u magacaabo dal kale sidii dowlad oo kale.

Sidoo kale waxy arrintan daboolka ka qaadeysa qorshaha dowladda Itoobiya kaga aadan maamul goboleedyada ee ah inay mid walba gooni ula macaamisho, isla markaana tani tusaale cad u tahay kala qeybinta Soomaaliya.

Puntland ayaa ka mid ah dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya, marka la fiiriyana waxay u dhaqantaa sida dowlad gaar ah oo kale.

Hadaba waxaa la sugayaa sida maamulada kale ee federaalka Soomaaliya ee xiriirka la leh Itoobiya ay iyana Safiir ugu magacaabaan Itoobiya.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday Madaxweynaha Puntland ee uu Safiir ugu magacaabay Itoobiya.

sureer
Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media