DHAGEYSO:- Wasiir Cimaan Maxamed Cali "Heshiiskii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Iyo Galmudug Waa Uu Burburay".

0

Ayadoo heshiis si wada jir ah oga qeyb qaateen maamulada Galmudug iyo ismaamulka soomaalida itoobiya kasoo ku aadan xasiloonida xaduuda ay wadagaan labadaas maamul ayaa haatan waxa kusoo kordhay falal amni daro ah.

Cismaan Maxamed Cali (Socdaal) oo ah Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu booliska ay dhibaato ku hayaan Shacabka ka soo jeeda Galmudug ee Degan Xadka ay la Wadaagaan Itoobiya.

Cismaan ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey waxa ay kala socdaan Sarkaalka Liyuu booliska ee Dhowaan lagu dilay Deegaan ku dhowan Xadka ay Galmudug la wadaagto Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ugu danbeyntii Deegaanka Dacadheer iyo Deegaanada kale oo ku teetsan Xadka Soomaaliya iyo Ethopia ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyey waxa ku soo noq noqday Dagaal iyo Dilal ay geysanayaan Ciidamada Liyuu Booliska ee DDSI.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media